Somali Flashcards
Suugaanta_Kaaha
Suugaantan hoose waxay ahayd 2015 iyo wixii ka horreeyay. Humaagyadan hadda waxaan arkaa iyada oo aad loo adeegsanayo.
1.
Dhulkiyo sabadaynu naallo
Haddii sawraca cadceedu
Ileyskiyo nuurka siiso
Naftiyo seedaha jidhkayga
Iftiin baad tahay siraada.
Markaad socoteed dhaqaaqdo
Dhirtaa sacab kuu garaacda.
Tiriigga naftaad ahayde
Maxaan tebay nuurigaaga,
Tarmiga hibadaad ahayde
Maxaan tix abuuri waayay
Cakuye tafaraaruqoow ba’
- Cabdirisaaq Anta
Haddii dadku ay rabaan
Agtaada inay degaan
Anigu waxan doonayaa
Quluubta inaan dugsado.
Daruuruhu oohin iyo
Ilmay kuu daadiyaan,
Dhulkuna doog iyo cagaar
Dareemuu kuu baxshaa
‐ Cabdiqaadir Qalinle
3.
Kuma dhaafi karee dhambaalka
Ma sidaad u dhigtaa dhawaaqsan,
Kugu dhaygagayee ilwaadsan
Ma dhulkaad socotaa cagaara,
Dhaldhalaal badanaa korkaagu
Ma dharkaad xidhataa cadceeda,
Kuma dhiirran karee agtaada
Ma dhankaad ka timaa xishoodka
Lagu dhaaran jiroo asluubsan,
Ma dhirtaad hadhsataa qabawga
Naxariis ka dhibcaysay guudka.
~ Cabdiraxmaan Haldhis
Neecawda aroor dhacdaay
Hansami naftu kuu bogtee,
Naruurada caashaqiyo
Yartii naxariis kalgacal
Nabdiga ku qaboojisaad
Malaha adna nuugaysaa!
Qorraxda ifka nuurisaay
Cawaad nal ka qaadataa.
Qudhaanjadan dhiirranaanta
Wadada ubax kuu dhigaysa
Cagtaada ka dhawr inaabti.
Bal eeg cirkan dhaysta keenay
Aduu Dhudi kuu hadheeyay
Dhulkuna farax buu cagaaray.
Saf dheer waxa galay ugaadha
Si ay kuu soo dhawayso
Bal dhawr shinbirahan codkooda
Ammaanta kuwaa dhuraaya.
Shinnida malabkeeda dhoortay
Dhadhami adigay ku leeday.
- Cali Ileeye
All
Caanaha qiyaas laga liso iyo qoran karuurkeeda ayunbaa quraac iyo cashaba lugu qaboobaaye, qandho iyo kulayl luguma oga qabata meel baase
qabsinka iyo callooshoo dhan bay qaras u diidaane,
qaxwe kulul qudaar iyo bariis qamadi la isiiyo qadac subag ah weel lugu daroo qiiqu ollolaayo qalbiga waxaa uuga siiroon inaan dhay qudhqudhiyaaye.
Abwaan Galayax AUN.